GAROOWE :  Interpol oo Garoowe ka dejisay eedaysane halkaas dil ka gaystay.

GAROOWE :  Interpol oo Garoowe ka dejisay eedaysane halkaas dil ka gaystay.

Garoowe (Raxanreeb )- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa maanta  Ka dejiyey magaalada Garoowe Eedeysanihii Maalin Kahor lagasoo Qabtey Dalka Kenya

Hoggaanka Xiriirka Dibada  (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa  Saaka Aruurtii Diyaar ku Qaadey. Eedeysane Gacan Ku dhiigle MAXAMED CUMAR  CIISE  ee Horey Dilka ugu Geysta Muwaadin soomaaliyeed oo lagu Magacaabo EX.MARXUUM MAXAMED AXMAD FAARAX  17-05-2024  kaas oo uu Waaran Soo Qabashadiisa ah kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka

Eedeysanhaan  ayaa lagu Wareejiyey Laamaha Amaanka ee Gobolka Nugaal si loo horgeeyo  Maxkamada loona Marsiiyo Cadaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.