Al- Shabaab  oo Muqdisho ka wada Howlgalo Roondo ah & beegsiga Ciyaal-weerada

Muqdisho (Raxanreeb ) Sida ay ogaatay mareegta Caasimadda Online  kooxda Alshabab ayaa labadii habeen ee u danbeeyey degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ka bilaabay howlgallo lagu baacsanaayo ciyaal weerada iyo xarumaha lagu iibiyo daroogada iyo ashyaada kale ee maanka dooriya.

Koox hubeysan oo AS ka tirsan wejiyadana u qarsanaa ayaa lagu arkay qeybo kamid ah degmooyiinka Kaaraan iyo Heliwaa. Kuwaasi oo beegsaday xarumaha ay dhalinyaradu ku caweeyaan shaaha na lagu iibiyo,waxaan la xaqiijiyay in ay sameeyeen baaritaanno lagu raadinaayay maandooriyaha iyo dadka isticmaala.

Dhallinyaro dhacdadaas habeen hore ku qabsatay Xaafada Xaliimo Heyti ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay yimaadeen labo maaqayad oo shaaha laga cabo.

Kooxda AS ayaa maalmahan Muqdisho ka wada howlgallo ay ku burburineyso daroogada iyo xarumaha lagu iibiyo ee Muqdisho ku yaallo iyo beegsi ka dhan ah burcadda iyo ciyaal-weerada sida ay ku faafiyeen akoonnada ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.