GAZA :  Shaqaalle samafal oo la dilay & weeraro oo dhacay.

GAZA :  Shaqaalle samafal oo la dilay & weeraro oo dhacay.

GAZA (Raxanreeb )- Ciidanka Israel ayaa weerar ka dhacay Qasa ku dishay tiro dad ah reer Falastiin ah oo sidoo kale ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka, kadib markii la weeraray dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis

Dadka la dilay ayaa ayaa tiro ahaan gaaray dhowr 10 ruux ruux, waxaana la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati.

Madaxa Hey’adda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa ku waramaya in xaalad adag ay ka taagan tagay Qaza, waxaana uu in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo macluul daran.

Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi ay Israel culeys ay saareyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.