Golaha Shacabka oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka Barakacayaasha

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa 15-aad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Barkacayaasha, waxaana Xildhibaanadda ay qodobada hindise sharciyeedkan su’aalo ka weydiiyeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo Xildhibaanadda uga jawaabayay su’aalaha ay weydiinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka inuu hindise sharciyeedka kusoo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda islamarkaana uu akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.