Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay siyaabaha kor loogu qaadi karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa hababka iskaashi ee danta labada dhinac ku suntan.
Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay u sal-dhigidda iskaashiga labo geesoodka oo dhinac weliba leh, laguna iftiimiyay ka go’naanshaha labada dal ee xoojinta wax-wadaagga iyo soo banbixinta fursadaha ballaaran ee iskaashi wadaagga leh.
Leave a Reply