Baydhabo (Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Magaalada Baydhabo si rasmi ah ugu soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo socday muddo saddex maalmood ah.
Shirka ayaa la filaya in lagu falanqeeyo sidii loo xoojin lahaa dowladnimada, hoggaaminta hufan iyo tayeynta adeegyada ay dowladdu u hayso bulshada.
Shirka oo ay ka qeyb galeen xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Khubaro ka socday Jaamacada Ummadda ayaa diiradda lagu saaray mideynta qorshayaasha shaqo ee dowladda, dardargelinta hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh, kor u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta maamulka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbaddiisa xiritaanka ku bogaadiyey Golaha Wasiirrada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen doodaha iyo qorsheynta, isagoo carrabka ku adkeeyey in natiijooyinka ka soo baxay shirka ay saldhig uyihiin dardargelinta waxqabadka maamulka iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh shacabka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Hoggaamiye Shekh Aadan ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda inay si mideysan u hirgeliyaan qorshayaasha lagu heshiiyey, isla markaana mudnaan gaar ah la siiyo adeegyada bulshada, horumarinta maamulka, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta isla xisaabtanka.

Leave a Reply