Golaha wasiirrada oo Nisa ansaxiyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, halkaasi oo lagu ansixiyey sharci isbeddel weyn ku sameyn doona hay’adda NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn faray xubnaha Golaha Wasiirada in ay joojiyaan shirarka lagu qabto dalka dibaddiisa, ayada oo la heli karo in lagu shiro gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu amar ku siiyay Ra’iisul wasaaraha iyo Golihiisa in la hubiyo mashaariicda hormarineed ee laga fuliyo dalka, si ay waxtar ugu yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Golaha kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaciyay in 2023 uu yahay sanadkii dib u xorreynta dalka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya aya maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida yeelato sharci rasmi ah tan iyo markii la aas aasay 8 January 1970.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si rasmi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku howlgaleysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaamiirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayada oo haatan uu dalka jiro dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.