Iran oo weeraro culus ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka

Tehran ( Raxanreeb Online) Dowladda Iran ayaa qaaday weerarro cusub oo ka dhan ah saldhigyada milatari ee Maraykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka ee deriska la ah, halka Washington ay sii waday weerarrada ay ku qaadayso goobo ku yaalla Iran habeenkii oo dhan ah.

Tehran waxay sheegtay inay beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla gobolka, oo ay ku jiraan Jordan, Kuweyt iyo Baxrayn, iyadoo maalintii lixaad ee colaadaha dib u soo cusboonaaday ay cadaadis saarayso heshiis hordhac ah oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.

Dhanka kale, milatariga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday weerarro socday lix saacadood oo meelo badan laga fuliyay, kuwaas oo lagu doonayay in lagu “wiiqo awoodda Iran ee ay ugu hanjabi karto badmaaxiinta aan waxba galabsan” ee marinka Hormuz.

Is-weydaarsiga weerarradii ugu dambeeyay ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu uga digay Iran inay si wanaagsan u dhaqanto, isagoo sheegay in ay wajihi karto tallaabooyin milatari oo dheeraad ah haddii aysan Iran dib ugu soo laaban wada-hadallada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.