Guddiga arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho.

Guddiga arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xubnaha Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamanka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho.

Sidoo kale, kulankan ayaa looga dooday sharciga dhismaha Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Senator Iftiin Xasan Iimaan Baasto iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Dhanka kale, xubnaha Guddiga ayaa ka dooday qodobada Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana Guddiga kala qeyb galay oo uu latashi kala sameeyay khubaro ka socday Hay’adda Build UP oo mudo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.