Hargeysa ( Raxanreeb Online) Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in xabsiga laga siidaayay fannaanka Khaalid Kaamil.
Maxkamad ayaa xoriyadiisa dib u siisay Khaalid oo todobaadyadii u dambeeyay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa sida ay Ehelkiisa xaqiijiyeen.
Inkastoo hay’adaha ammaanka Somaliland aysan weli si rasmi ah u shaacin sababta Khaalid loo xiray, haddana ehellada fannaanku waxay sheegeen in uu eersaday hees uu u qaaday magaalada Barakeysan ee Qudus.
Somaliland ayaa ka furtay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem) bishii lasoo dhaafay, lix bilood ka dib markii Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taas oo keentay cambaareyn ballaaran.
Heesta fannaanka loo haysto oo aan weli si rasmi ah u soo bixin, balse maqal ahaan loo geliyey baraha bulshada, ayaa waxaa loogu qareemayaa magaalada barakeysan ee Qudus, halkaas oo uu ku yaallo masaajidka Al-Aqsa oo Muslimiintu aaminsan yihiin in uu barakeysan yahay.

Leave a Reply