Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo gaaray Baladweyne

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo gaaray Baladweyne

Baladweyne (Raxanreeb) — Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu maalmo kahor xilkan u magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Wehliye, oo ay galbinayaan inkabadan 15 gaadiidka dagaalka ah, ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay magaaladaasi oo ay weli ka taagan xiisad xooggan.

Sidoo kale waxaa safarkiisa qeyb ka ah, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka HirShabeelle, kuwaasoo lagu soo dhoweeyay magaaladaasi.

Beledweyne ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal HirShabelle looga saaray magaalada, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo Guudlaawe.

Guddoomiyahan cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka kala wareego guddoomiyihii hore ee gobolka, Cabdullahi Sufurow, oo xilkaas soo haayay tan iyo bishii Juun ee sannad kii hore 2023, markaas oo uu baddelay Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyahii hore Sufurow ayaa muddaba la daaladhacayay mucaaradad xooggan oo kaga imaanayay qaar kamid ah, siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jayte, oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub ayaa kamid ahaa Golaha Wasiirada HirShabelle, wuxuuna ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee maamulka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan, ayaa xudun u ahaa kacdoonka shacabka ee ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan la dagay khilaafaad xooggan oo ka dhashay dhanka maamulka oo u dhexeeyo madaxda sare ee HirShabelle iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaasi oo ay xildhibaano qayb ka yihiin, abaabulka ka dhanka ah, kooxdaasi.