Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo dalbaday in dib u dhis lagu sameeyo waddada isku xirta igooysyada Dabka iyo Bakaaraha

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo dalbaday in dib u dhis lagu sameeyo waddada isku xirta igooysyada Dabka iyo Bakaaraha

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in dib u dhis lagu sameeyo Waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka & Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Bashiir waxa uu sheegay in howsha ay u baahan tahay waddadaas ay tahay mid xooggan maadaama marweliba oo uu Roob da’o ay biyuhu fadhiistaan isla markaana isu socodkeedu adkaado, dadka ayuu sheegay in ay dhib ku qabaan.

Sababta dhib u dhigtay in la qaado ciidda iyo qashinka roobka ka dhashay ee Waddada isusocodkeeda saameynta taban ku reebay ayuu sheegay in ay sugayeen inta ay ka qalaleyso ciiddaas qoyan oo ugu dambeyn xalay waqti dambe laga qaaday.

“Waddadaan waxa aan codsaneynaa in shaqo adag laga qabto, Duqa Muqdisho waxa aan weydiisaneynaa in uu ka shaqeeyo sidii dhismo buuxa loogu sameyn lahaa maadaama keliya aanay u baahneen dib u dayactir oo keliya, innaga oo kaashaneynaa Bulshadeena intii awooddeena ah ayaan ka qaadan doonnaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.

Waddooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood waxaa saameyn taban ku reebay Roobkii xoogganaa ee Muqdisho ka da’ay 28kii April 2023, qaar kamid ah waxaa laamiga ka sare martay ciidda daadka soo raacday.