MD Xasan oo dhaqaalle ka raadinaya Doha & saluug ka jira xiriirka Jubbaland & Abu Dhabi

 MD Xasan oo dhaqaalle ka raadinaya Doha & saluug ka jira xiriirka Jubbaland & Abu Dhabi

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa socdaalo dhawr cisha ah ku – tagaya magaalada  Doha ee dalka Qatar halkaas oo uu kula kulmi doona madaxda dalkaas.

Safarka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daraan sidii Doha taageero dhaqaale u siin lahayn Dowladda Soomaaliya iyo dhamaynta mad madow wali ku gedaaman wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Waa socdaalkii seddaxaad oo  Xasan Sheekh Maxamuud ku tagaya , Doha Qatar tan iyo markii markale dib ugu soo laabtay xukunka 12 – bilood ka hor.

Ilo wareedyo la helayo ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  xoog uu ku bixinayo  isu wadida labada awoodood ee khaliijka ee Qatar iyo Imaaraatka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale wax ay ka walacsan tahay  xiriirka sii xoogeysanaya ee maamulka Jubaland iyo Abu Dhabi oo la ogyahay in kol hore Dubia  gadiid dagaal ay ugu deeqday Jubbaland

Imaaraadka ayaa dib u soo celiyay cilaaqaadkii uu la lahaa Soomaaliya oo dalka ka xirmay albaabkooda intii uu xukunka joogay Madaxwaynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ka dib  waxa uu imaaraadka isku dayay inuu isku soo dhaweeyo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed oo xumaa intii talada dalka ay hayeen Nabad iyo  Nolol

Leave a Reply

Your email address will not be published.