Guddoomiyaha magaalada Mandheera oo cadeeyey inaysan aqbali karin joogintaanka ciidanka Jubbaland

Guddoomiyaha magaalada Mandheera oo cadeeyey inaysan aqbali karin joogintaanka ciidanka Jubbaland

Mandheera ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha magaalada Mandheera Maxamed Khaliif, ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan amniga, tan iyo markii ciidanka Jubbaland ay kasoo tallaabeen xuduudka Soomaaliya, markii dagaal looga saaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in joogitaanka ciidanka Jubbaland ee Mandheera ay halis ku yihiin amniga, isla markaana waxa uu soo jeediyay in si degdeg ah looga raro dibna loogu celiyo Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Khaliif, oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in tallabadan ay kooxda Al-shabaab u suura-gelin karto in dhinaca xuduuda ay kasoo gudbaan. waxa uuna hoosta ka xariiqay in aysan aqbali karin in ciidanka Jubbaland ay joogaan magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya.

Geesta kale Sanetorkii hore ee Mandheera Billow Kerrow, ayaa maalmo ka hor xukuumadda Kenya ku eedeeyey in ay qeyb ka tahay amniga darrada magaalada, maadama uu sida uu sheegay ay taageersan tahay maamulka Jubbaland.

Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay ugu baaqay ciidanka Jubbaland ee ka tallaabay xuduuda Kenay in ay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda, isaga oo u ballan qaaday in wax dhibaato ah aysan la kulmin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.