Guddoomiye Aadan Madoobe siduu ugu hadlay guusha dalka ee Q.M

Guddoomiye Aadan Madoobe siduu ugu hadlay guusha dalka ee Q.M

Muqdisho (Raxanreeb )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay xubinimada Soomaaliya ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in guusha uu dalkeena gaaray ay muujineyso isbedelada horumarka ku saleysan ee dalkeenu hiigsanayo Iyo taageeradda shacabka ay la garab taaganyihiin dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa tilmaamay in guushan ay cadeyn u tahay sida uu caalamka markhaatiga ugu yahay hormarka dowladnimo uu dalkeenu ku talaabsanayo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Iyo kuwa gobolka uga mahadceliyay taageerida codsiga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.