Haramcad oo howlgallo ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Haramcad oo howlgallo ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamadda Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Deegaanada ku teedsan Degmada Afgooye oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ka wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay Hawgallo ku burburiyeen “Isbaarooyin” ay Al-Shabaab “u dhigteen Shacabka,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Hawgalkaan ayaa ku soo aadaya xilii Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa maalnimadii shalay ay howlgal qorsheysan ku burburiyey maxkamad ay dowladdu sheegtay in Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka socda wajiga labaad ee hawgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.