Haweeney Biden ku eedeysay inuu faraxumeeyay oo dhalasho ka codsatay Ruushka

Haweeney Biden ku eedeysay inuu faraxumeeyay oo dhalasho ka codsatay Ruushka

Moscow (Raxanreeb) — Haweeney Mareykan ah oo ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu kufsaday ayaa u duushay magaalada Moscow, waxayna dooneysaa dhalashada Ruushka.

Tara Reade, oo 59 jir ah oo la hadlaysay warbaahin ay dowladdu maamusho oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa sheegtay in ay ammaan ku dareemayso dalkaasi ayna doonayso inay sii joogto.

Ms Reade ayaa ku eedaysay Mr Biden in uu faraxumeeyay iyada oo ka shaqaynaysay xafiiskiisa Congress-ka sanadkii 1993-kii.

Waxa uu si adag u diiday eedaynteeda. “Si aan shaki lahayn weligood, ma dhicin,” ayuu yiri.

Ms Reade waxa ay caawiye u ahayd Mr Biden markii uu senator-ka ka ahaa Delaware.

Waxay samaysay cinwaanno 2020-kii iyadoo ololihiisii ​​​​madaxweynenimo uu socday, markii ay sheegtay inuu ku weeraray waddada Capitol Hill markay ahayd 29 jir.

Waxay ku eedaysay inuu gidaar ku qasbay oo uu gacmihiisa hoos galiyay shaadhkeeda iyo goonnada.

“Markii aan ka soo degay Moscow, markii ugu horreysay muddo aad u dheer waxaan dareemay ammaan, waxaana dareemay in la I maqlay oo aan dareemay in la’i ixtiraamayo,” ayuu wargeyska The Guardian ka soo xigtay Ms Reade mar ay wareysi siisay Sputnik.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan jinsiyadda Ruushka ka codsado, madaxweynaha Federaalka Ruushka, Vladimir Putin Waxaan ballan qaadayaa inaan noqdo muwaadin wanaagsan,” Ms Reade ayaa tiri, iyadoo raacisay inay rajaynayso inay sii haysato dhalashadeeda Mareykanka.

Ms Reade waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo soo baxay 2019 iyo 2020 si ay ugu eedeeyaan Mr Biden uu kula kacay taabasho aan habboonayn oo laabta ama dhunkashada ah.