Ciidan amni suga la yiri  oo haddana dadka dhibaataynaya !

Ciidan amni suga la yiri  oo haddana dadka dhibaataynaya !

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa ay ka bilaabeen howlgal ay sheegeen in  lagu xasilininayo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar ee ciidankan la dhigay ayaa laga soo calamadaynayaa in ay ka jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan dadka shacabka ah ee la sheegay in amnigooda la sugayo.

Saraakiisha Dowladda ma aysan ka hadlin howlgaladan amniga lagu sugayo , iyo dhibaatooyinka kale ee ay la kulmaan dadka rayidka ah ee  ku nool magaalada Muqdisho.

Baraha bulshada waxaa si aad ah u qabsaday saacadihii la soo dhaafay muuqaal askari ka tirsan Dowladda oo si xun u jirdilaya wiil dhallinyara ah  oo u soo shaqo doontay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa inta badan sidan oo – kale waxaa la arkaa iyaga oo dhibaataynaya dadka rayidka ah bedelkii ay amnigooda sugi lahaayeen.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya , ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwa diirada lagu saarayo sugida ammaanka caasimadda , isla markaana ay sii socon doonaan ilaa magaalada ay noqoto mid ami ah.

Shalay uumbay ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in ciidanka laga doonayo in ay sugaan amniga , isla markaana loo dulqaadan doonin  kooxaha ka qayb qaata falalka ami darro

Leave a Reply

Your email address will not be published.