Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo muddo dheer kasoo shaqeneysay hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa xalay ku daahfurtay munaasabad lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo uu daahfuray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Jaamac Xasan Khaliif, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo masuuliyiin ka socday dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo bankiyada dalka.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka hadlay marxaladihii loo soo maray hirgalinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta isagoo sheegay in tan iyo markii la aasaasay Hay’adda la isku dayay dhowr jeer in la soo gabagabeeyo hirgelinta adeeggan, balse khibradihii shirkadaha ay arrinkan hore ugula kulmeen ay dib u dhigtay.
Sidookale Maareeyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey ahmiyadda uu hirgelinta adeeggan Isku-xirka uu waddanka u leeyahay “Hirgelinta adeegga Isku-xirka wuxuu horseedi doonaa wanaajinta adeegyada Shirkadaha Shatiga Isgaarsiinta leh ay siiyaan macaamiisha iyo horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta Soomaaliya. Marka laga soo tago adeegga Isku-xirka in uu yahay baahi iyo xaq uu macmiilku leeyahay, waxa uu sidookale halbeeg muhiim ah u yahay kobaca suuqa isgaarsiinta iyo maalgashiga teknoolojiyadda iyo hal-abuurka.”
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Jaamac Xasan Khaliif oo goobta ka hadlay ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in ay tahay guul Soomaaliyeed “Dadaal dheer kaddib waxaa inoo suuragalay inaannu ku guuleysanno hirgelinta adeegga Isku-xirka, guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaaliyeed, waa guul qaran”.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa aad u bogaadiyey kaalintii ay hey’adda Isgaarsiinta Qaran iyo Shirkadaha Isgaarsiintu ku lahaayeen hirgelinta adeegga Isku-xirka Shirkadaha wuxuuna sheegay in Hirgelinta adeeggan uu yahay sharci waddan oo la fuliyey iyo xuquuq shacab oo la siiyay.