Wadajir oo lagu duqeeyay dad shacab ah & maamulka oo war ka soo saaray

Wadajir oo lagu duqeeyay dad shacab ah & maamulka oo war ka soo saaray

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo – baxaya  hoobiyaal ah lagu garaacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo khasaare kala duwan gaystay.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay goobo ay ku sugnayeen dad shacab ah xaafadaha degmada wadajir sida ay sheegeen dadka deegaanka oo nala hadlay.

Saraakiisha Dowladda oo nala hadlay ayaa sheegay in aysan jirin khasaare  rayidka uu ka soo gaaray weerarkan hoobiyaasha ah ee ku dhacay xaafadaha degmada wadajir ee Muqdisho.

Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir.

Maamulka degmada wadajir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoobiyaashan ay soo tureen sida ay hadalka u dhigeen kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda haatan xaalada ay tahay mid degan.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka dhacaya falal amni darro oo aad u baahsan taas oo saamayn aan wanaagsanayn ay ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Si kasta ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa la daala dhacaya wax  ka qabashada amniga waxa ayna wadaan howgal ay kaga hortagayaan falalkan oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.