Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran (SODMA) oo ka digtay fatahaad ka dhalata Roob Mahiigaan ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran (SODMA) oo ka digtay fatahaad ka dhalata Roob Mahiigaan ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) ayaa soosaartay digniin la xiriirta Roob Mahiigaan ah oo dalka ka da’aya, waxa ay fariin u dirtay dadka ku sugan goobaha biya mareennada ah oo halis nafeed ka dhalan karta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in guud ahaan Bulshada looga baahan yahay in ay feejignaan dheeraad u yeeshaan halistaas ka dhalan karta Roobka.

Maamullada Degmooyinka & mas’uuliyiinta heer Federaalka & Heer Dowlad-Goboleed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan oo howsha u fududeeyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha Roobkaas.

Dalalka deriska ah ee Soomaaliya gaar ahaan Itoobiya ayuu Guddoomiye Maxamuud tilmaamay in ay biyo badan kasoo raaci karaan Wabiga oo qudhiisa sameyn kara fatahaad marka uu buux dhaafiyo waa sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay todobaad weliba soosaarta xaaladaha fatahaadaha, waxa aan ummadda Soomaaliyeed uga digeynaa meelaha khataraha badan ay ka dhici karaan, waxa aan rabnaa in laga sikado lagana wareego meel weliba oo biyuhu maraan, maamullada gudaha waxa aan ka dalbaneynaa in ay hay’addu kala shaqeeyaan, waa in loo diyaargaroobo xaaladaha ka dhalan kara Roobka Mahiigaanka ah ee soo socda” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda SODMA.

Jimcihii todobaadkii hore 28kii April 2023 roob ka da’ay meelo kala duwan oo ay kamid tahay Magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho, dhaawac, Burbur hanti iyo in uu go’ay isusocodka waddooyinka Caasimadda.

Meelaha loogu talagalay in ay ku hooraan biyaha ayaa buuxsamay waxaana taasi ay dhalisay cabsi xooggan oo lasoo deristay Dadka degen hareeraha Warta Siigaale, Boondheere & Meelo kale maadaama welwelkoodu yahay in biyahaas karkaaradu ku jabsadaan.