Garoowe (Raxanreeb) Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixisay markale hadal ka soo yeeray Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
“Horta waan u cudurdaarayaa Madaxweynaha [Xasan Sh Maxamuud], waa nin waayeel ah sida la sheegayna wuu xanuunsanayaa waana sababta gabadhiisu ula socotana oo waxaa la sheegay inay daawadiisa sido ” sidaas waxaa sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Xasan Sh Maxamuud.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii Madaxwayne Xasan Sheekh caafimaad qabi lahaa uusan ku hadlayn warka uu ka sheegay Masjidka ku yaalla Villa Somalia.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray Wasiirka in Madaxwaynaha uu horseed ka yahay sida uu yiri duulaan ku soo socda deegaanada maamulka Puntland.
Waxa uu xusay Wasiirka in wax laga bedeli karo Dastuurka , taasna ay masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadda markaaa joogta .
Waxaa muuqanaysa inuu cirka isku shareerayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwo maamulka Puntland.
Leave a Reply