Dowladda Iran oo xukun dil ah ku fulisay ruux weeraray ciidankeeda

Dowladda Iran oo xukun dil ah ku fulisay ruux weeraray ciidankeeda

Tehran (Raxanreeb) — Dowladda Iran, ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay nin u dhashay heysta dhalashooyinka Iran iyo Sweden, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar lagu hoobtay, oo sanadkii 2018-kii ka dhacay xaflad dhoolatus militari lagu sameynayey.

Xabib Jaab, ayaa waxa uu ahaa aasaasihii koox gooni u goosad ah, oo dooneysa inay madax banaani helaan qowmiyada Carabta ee ku nool gobolka Khuzestan ee koonfurta-galbeed ee dalka Iran.

Waxa uu musaafuris ugu noolaa dalka Sweden muddo toban sano ah, markii ay wakiilo Irani ah ka afduubeen dalka Turkiga sannadkii 2020-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden, Tobias Billstrom, ayaa sheegay in dowladiisa ay ku boorisay Iran inaysan dil toogasho ah ku fulin Jaab.

“Ciqaabta dilka ah waa ciqaab bini’aadantinimada ka baxsan, oo aan laga fulin karin Iswiidhan, iyo Midowga Yurub inteeda kale, waam cambaareynayaa tallaabadani,” ayuu yiri.

Garsoorka Iran, ayaa ku eedeeyay Jaab inuu hoggaamiyo Harakat al-Nidal, ama Dhaqdhaqaaqa Halganka Carbeed ee Xoreynta Ahvaz, oo Iran ay sheegtay inay tahay koox argagixiso ah, oo ka danbeysay weeraro ka dhacay Koonfur-galbeed ee dalkaas.

Gobolka saliida qaniga ku ah ,ayaa waxa ku nool dad tiro yar oo Carab ah, kuwaasoo in muddo ah ka cabanayey takoorid iyo faquuq, taasoo maamulka Tehran ay beeniyeen.

Weerarkii sanadkii 2018-kii lagu qaaday dhoolatus militari oo ka dhacayay magaalada Ahvaz, ayaa la arkayay rag hubeysan oo rasaas ku furay ciidamada ilaalada kacaanka, halkaasi oo ay ku dileen 25 qof, oo ay ku jiraan askar iyo shacab daawanayay dhoolatuska.

Jaab ayaa la sheegay in lagu shirqoolay magaalada Istanbul si uu ula kulmo haweeney, ka hor inta aan la afduubin oo si qarsoodi ah loo gelin dalka Iran, howlgal la sheegay inuu soo abaabulay nin caan ah oo ah madaxa dambiyada Iran ee fadhigiisu yahay dalka Turkiga.