HESHIIS : Dowladda Soomaaliya  oo fulinaysa heshiis ay la gashay Kenya.

HESHIIS : Dowladda Soomaaliya  oo fulinaysa heshiis ay la gashay Kenya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo .

Labada dhinac ayaa  ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi.

Danjiraha ayaa Dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.