Baydhabo (Raxanreeb Online) Hogaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda Al-shabaab.


Leave a Reply