Laascaanood (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka uu Ra’iisul Wasaare Xamsa u tagay Laascaanood, dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.
“Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulka” yauu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filaya inuu dhag-dhigo mashaariic laga her gelinayo deegaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Qaar ka mid ah wasaaraddaha Dan Qaran ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.
Ra’iisui Wasaare Xamse ayaa hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgali doonna kulan dadweyne oo loogu dabaaldegayo sanad-guurada koowaad ee asaaskii maamulka

Leave a Reply