Boosaaso (Raxanreeb Online) Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.
Kulanka waxaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayay xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal ah.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac.
Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Boosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.
Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in ay ka go’an la dagaalanka kooxda Daacish.

Leave a Reply