Tehran ( Raxanreeb Online( Xildhibaan lagu Iiraan Kamran Ghazanfari oo ka tirsan baarlamaanka Iiraan ayaa, isaga oo ka hadlayay sii socoshada Mareykanka ee qalabka iyo ciidamada ugu so daldalayo Bariga Dhexe, sheegay in “Mareykanka iyo Israa’iil ay isu diyaarinayaan howlgal ballaaran” oo ka dhan ah Iiraan.
Ghazanfari ayaa u sheegay Khabar Online in Mareykanka iyo Israa’iil “laga yaabo inay qorsheynayaan inay la wareegaan qaar ka mid ah jasiiradaha aan ku leenahay koonfurta.”
Isaga oo tixraacaya dalabaadka Mareykanka ee ah in Iiraan joojiso kobcinta yuraaniyamka, oo ay dib uga baxdo kaydkeeda yuraaniyamka la kobciyay, isla markaana ay joojiso taageerada kooxaha loo yaqaan “dhidibka iska caabbinta,” ayuu waxaa uu yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah khasab ma aha inay u hoggaansanto dalabaadkan.”
Sida uu sheegay xildhibaanku, “Waxaan ku jirnaa xaalad dagaal, waxaana hadda la dagaallamaynaa cadowga. Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, waxay naga fuliyeen laba howlgal waxayna maraakiibtooda ku weerareen qaar ka mid ah xarumaheenna.

Leave a Reply