Jowhar (Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Ibrahim Maxamed Maxamuud, ayaa bannaanka magaalada Jowhar kula hadlay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada uga mahadceliyey naf-hurnimada, geesinimada dhiiranaanta iyo dadaalka ay muujiyeen, gaar ahaan doorka ay ka qaateen sugidda amniga iyo furista waddada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar taa oo dhibaato badan ey ku qabeen Shacabka .
Taliyaha ayaa ku boorriyey ciidamada inay sii xoojiyaan howlaha amniga iyo Xasilinta isla markaana ay ka feejignaadaan falalka ka dhanka ah xasiloonida, isagoo xusay in guulaha la gaaray ay muujinayaan sida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay sugidda amniga dalka
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka, isagoo xusay in taageerada bulshada ay door weyn ka qaadato guusha howlgalada amniga.

Leave a Reply