Shariif Xasan oo ka digay musuqmaasuq doorashada Koonfur Galbeed…

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Iyada oo weli aan lagu dhawaaqin natiijada doorashadii Axadii ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo baxaya walaac ku aadan qaabka doorashada ay u dhacday.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka digay in la musuq-maasuqo doorashada, isaga oo ugu baaqay guddiga dooorashada iyo dowladda in ay si cadaalad iyo hufnaan leh loo mareeyo natiijada codbixinta.

Shariif Xasan oo Baydhabo kula hadlay taageerayaashiisa ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay juhdi badan geliyeen diiwaan-gelinta iyo ka qeyb galka doorashada ayna muhiim u tahay in codkooda la ilaaliyo.

Waxa uu tilmaamay in shacabka ay saf dheer u galeen in ay is diiwaangeliyaan una codeeyaan, taasi oo ku sheegay in ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muujineysa rabitaanka dadka ee doorashada xor iyo xalaal ah.

Waxaa la filaya in guddiga doorashooyinka ay 24 saac gudahood shaaciyaan natiijada, mana jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kazoo baxay guddiga doorashooyinka, waxeyna arrintaasi sii kordhineysa walaaca laga qabo natjiida tirinta codadka kazoo baxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.