In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib markii bariga dalka Afgaanistaan ay ku rogmadeen daadad xooggan. Sidoo kale waxaa la sheegay in 100 qof oo kale lagu la’yahay daadadka kuwaasi oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka jaan iyo cirib ay dhigeen.
Dhacdadaan ayaa la tilmaamay in ay sababtay roobab mahiigaan ah oo si xiriir ah u da’ayay taasi oo keentay in wabiyo fatahaan, guryo badan ay burburaan, isla markaana dad badan ay ka barakacaan deegaannadoodii.
Mas’uuliyiinta gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in howlaha baadigoobka iyo samatabbixinta ay weli socdaan, iyadoo kooxaha gurmadka ay isku dayayaan inay gaaraan goobaha ay daadadku sida daran u saameeyeen. Waxaa jira cabsi laga qabo in tirada dhimashada iyo dadka la la’yahay ay sii korodho maadaama ay jiraan deegaanno ay adag tahay in la gaaro.
Daadadkan ayaa sidoo kale burburiyay waddooyin, buundooyin iyo kaabayaal kale oo muhiim ah, taas oo caqabad ku noqotay gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo. Kumannaan qoys ayaa u baahan hoy, cunto, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad.
Hay’adaha samafalka iyo dowladda Afgaanistaan ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha daadadku saameeyeen, isla markaana la raaco tilmaamaha badbaadada. Dhinaca kale, hay’adaha caalamiga ah ayaa wada qiimeyn ku saabsan baaxadda khasaaraha si loo dardargeliyo gurmadka loo fidinayo dadka ay musiibadu saameysay.

Leave a Reply