Maxkamad ku taalla Hindiya oo xabsi daa’in ku xukuntay 44 Soomaali ah oo lagu helay Burcad-badeednimo

Maxkamad ku taalla Hindiya oo xabsi daa’in ku xukuntay 44 Soomaali ah oo lagu helay Burcad-badeednimo

Hindiya ( Raxanreeb Online) Maxkamad ku taalla dalka Hindiya, ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 44 muwaadiniin Soomaali ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira burcad-badeednimo iyo afduub markab ganacsi oo marayay biyaha Badweynta caalamiga ah.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Hindiya, eedeysanayaashan ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada badda Hindiya fuliyeen, kaddib markii la sheegay inay qafaasheen markab ganacsi iyo shaqaalihii saarnaa. Ciidamada ayaa markii dambe gacanta ku dhigay kooxda, iyagoo badbaadiyay shaqaalihii markabka.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in caddeymaha la horkeenay ay muujinayaan in raggan ay ku lug lahaayeen falal burcad-badeednimo oo halis geliyay badqabka maraakiibta iyo shaqaalaha badda, Sidaas darteed, waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo sidoo kale lagu soo rogay ganaaxyo kale sida uu dhigayo sharciga dalka Hindiya.

Kiiskan ayaa ka mid noqday dacwadaha ugu waaweyn ee la xiriira burcad-badeednimada Soomaalida ee lagu qaado gudaha Hindiya, xilli sanadihii u dambeeyay ay sii kordheen howlgalada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeedda ah ee ka hawlgala Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin xukunka ay maxkamada Hindiya ku riday 44 muwaadniinta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.