Muqdisho (Hornlife) — In kabadab 200 oo muhaajiriin oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa laga soo badbaadiyay kooxaha magafeyaasha, ee dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ku jiray xabsiyada sannado badan.
Tahriibyeyaashan ayaa u badnaa dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol tan uga wanaagsan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho badan looga qaato.
Madax katirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo tallaabadii loo qaadi lahaa dib ugu celinta Dalkooda.
Kooxaha Magafeyaasha ayaa xabsiyo badan oo ku yaalla Liibiya ugu xiran tahriibayaal Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood ay ehelkooda awoodi waayeen bixinta lacagaha madax-furashada ah ee Kooxahaas ay ka rabaan si ay usii daayaan.
Howlgal caalami ah oo looga hortagayo tahriibayaasha naftooda halista wayn gelinaya ayaa ka socda Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika si loo xadido ama guud ahaan looga hortago tahriibinta Dadkaas lacagaha sida qasabka ah looga qaato.
Liibiya, ayaa inta badan marin rasmi u ah, muhaajiriinta u kala gooshaya dalalka qaaradda Yurub tan iyo sannadihii 2000, oo inkabadan 24 sanno toos ah, ay weli jiraan walow hadda qofkiiba ka qaadan lacag dhan $20,000