Iran oo safaarad ka furatay Sucuudiga

Iran oo safaarad ka furatay Sucuudiga

Tehran (Raxanreeb) — Iran ayaa dib u furtay safaaradeedii Sacuudiga, todobo sano kadib markii dawladahan isku haya arrimaha gobolka ay jareen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Wakiilo ka kala socda wasaaradaha arrimaha dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa ka qeyb galay xafladda ka dhacday magaalada Riyadh, sida uu sheegay talefishanka Al Carabiya ee Sacuudigu leeyahay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran, Alireza Bigdeli, ayaa sheegay in tani astaan u tahay in iskaashigu uu “gelayo waa cusub”.

Waxay ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii dalalka Khaliijka ay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ay la leeyihiin Iran, heshiiskan oo uu dhexdhexaadin ka ahaa Shiinahu.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016 ka dib markii ay xoog ku galeen safaarada ay ku leeyihiin Tehran dad badan oo ka soo horjeeday dilka boqortooyadu ay ku fulisay wadaad Shiico ah oo caan ahaa.

Kulan uu Jimcihii la soo dhaafay magaalada Cape Town kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay “horumarka wanaagsan ee laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sidoo kale soo xigatay Amiir Farhan oo sheegay in gogol xaadhka loo dhigayo in safaaradda Sucuudiga ee Tehran dib loo furo, wuxuuna caddeeyay in uu dhawaan booqan doono halkaas.

Sucuudiga oo isu arka in uu yahay dalka ugu horreeya ee Sunniga Muslimka ah iyo Iran oo ah dalka ugu weyn ee Shiicada Muslimka ah ayaa tobanaan sano ku dhex jiray halgan ay ku doonayaan in ay gobolka ku maamulaan. Laakiin sannadihii u dambeeyay, xifaaltankooda waxaa sii xumeeyay dagaallo ay si dadban ugu lug leeyihiin oo ka socda Bariga Dhexe.