Tehran ( Raxanreeb Online) Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee (IRGC) ayaa sheegay inay gantaallo ku weerartay warshad batrokiimiko oo ku taalla magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim News Agency.
Tasnim ayaa soo xigatay IRGC oo sheegtay in weerarradani ay jawaab u yihiin weerar hore oo Israa’iil ku qaaday xarun batrokiimikada oo Iran leedahay oo ku taal magaalada Mahshahr ee koonfur-galbeed dalka.
Batroolka kiimikaad waa walxo kasta oo kiimiko ah oo laga helo batroolka (Shadaalkad cayriin) ama gaaska dabiiciga ah.
IRGC waxay sidoo kale ka digtay in Israa’iil ay bilowday “ciyaar khatar ah”, iyadoo sheegtay in weerarro dheeraad ah oo lagu qaado bartilmaameedyo aan milatari ahayn ama xarumaha tamarta ee gobolka ay yeelan doonaan cawaaqib saameyn kara dhaqaalaha caalamka.
Hadalkan ayaa muujinaya cabsi sii kordheysa oo ku saabsan in colaaddu ku fiddo kaabeyaasha tamarta iyo warshadaha muhiimka ah ee gobolka, kuwaas oo door weyn ku leh suuqyada tamarta iyo ganacsiga adduunka.

Leave a Reply