Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay safiirada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa xubnaha waxa ay diiradda ku sareen xoojinta xiriirka qotoda dheer eek a dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarada ciidamada iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimada ay lee dahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shiinaha, iyaga oo isla meel dhig in laga wadashaqeeyo danaha labada dal.
Geesta kale wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa u mahadceliyay dowladda Shiinaha doorkeeda taageerada joogtada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku adkeeyay muhiimada ay lee dahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.

Leave a Reply