Taliyihii Booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo la dilay

Taliyihii Booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo la dilay

Jariiban ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland, ayaa sheegaya in xalay weerar ka dhacay halkaasi lagu dilay taliyihii saldhigga booliska degmada Guleed Kadlaaye.

Goob jogayaal ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay taliyaha isla markaana dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, balse markii dambe uu ku geeriyooday isbitaalada degmada Jariiban.

Laamaha amniga ee degmada Jariiban, ilaa iyo hadda kama aysan hadlin sababta ka dambeysa dilka taliye Guleed.

Marxuumka ayaa kamid ahaa ciidamadii lagu soo tababaray dalka Turkiga, xiligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, waxa uuna kamid ahaa booliska cusub ee dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Sidoo kale degmada Jariiban ayaa saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la tilmaamay in marmarka qaar ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka sameeyn jireen degmada.

Dilka sarkaal ka tirsan ciidamada amniga wuxuu sare u qaadaa walaaca la xiriira xaaladda amni ee deegaanka, iyadoo la filayo in baaritaan lagu sameeyo dhacdada si loo ogaado cidda mas’uulka ka ah loona horkeeno cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.