Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho, waxaa xalay kulan culus uu ku dhex-maray qaar kamid ah Isimmada Soomaaliyeed iyo mucaaradka dowladda.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa lagu lafa-guray xaalada kala guurka ah iyo doorashooyinka iyo sidii Isimmada ay qeyb weyn uga qaadan lahayeen xal u helida xiisada siyaasadda Soomaaliya oo xiligaan mareysa meel xasaasi ah.
Inta uu kulanka socday qaar kamid ah Isimmada Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa cabiray dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin xaalka cakiran, iyo sida looga xalin karo iyada oo aysan dhicin gacan ka hadal.
Ilo wareedyo, ayaa inoo sheegay in mucaaradka ay Isimmada Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay joogaan Muqdisho, isla markaana ay ka qeyb qataan xalinta xiisada siyaasadeed, hayeeshee waxaa la sheegay in Isimmada ay labo dhinac u kala safteen, iyaga oo kala tageeray mucaaradka iyo Villa Somalia.
Wararkii ugu dambeeyay ee maanta waxa ay sheegayaan in Isimmada Soomaaliyeed ay u kala safreen magaalooyinka Garoowe iyo Nariobi, iyada oo weli xal la gaarin.
Sikastaba, arrintan ayaa ku soo beegmeysay xili dalka uu marayo marxalad xasaasi ah, oo mucaaradka iyo dowladda ay ku heshiin waayeen hannaanka kala guurka iyo doorashooyinka dalka.

Leave a Reply