Maxkmad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa go’aamisay in dalkiisi lagu celiyo Bellarmine Chatunga Mugabe oo ah wiil uu dhalay.
Madaxweynihi hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe kaas oo lagu helay in uu sannadkan horraantiisi rasaas ka riday guri ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Galbeed.
Warbaahinta CGTN ayaa tibaaxday in sidoo kale ninkan laga doonayo adduun lacageed oo dhan 36 kun oo Dollar oo ganaaxa taas oo la xidhiidha falkii uu ku kacay.
Ninkan ayaa ah wiilka ugu yar ubadkii uu ka tegay Robert Mugabe waxana marar kala duwan lagu eedeeyey dembiyo uu galay intii uu ku sugnaa Koonfur Afrika oo ay degeen markii laga tuuray xukunkii waddanka Zimbabwe.
Waxa xusid mudan in ay saaxiib aad isugu dhow ahaayeen Robert Mugabe iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela kuwaas oo soo wada galay halgan ay dalalkooda kaga xoreeyeen caddaankii muddada dheer haystay.

Leave a Reply