ISIS oo yeelatay hoggaamiye cusub oo Soomaali ah – Waa kuma ?.

ISIS oo yeelatay hoggaamiye cusub oo Soomaali ah – Waa kuma ?.

Bosaaso (Raxanreeb )- Sida laga  soo xigtay warbaahinta Mareykanka ee NBC nin Soomaali ah ayaa  loo magaacaabay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub  ee kooxda ISIS oo ka mid ah kooxaha argagaxisada ah.

Sida ilo Mareykan ah laga soo xigtay  C/qaadir Muumin ayaa beddelay Abu al-Hassan al-Qurashi, oo lagu dilay weerar ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022.

Dhanka kale, Sida ay u sheegeen shabakadan labo sarkaal oo Mareykanka ah oo intaa ku daray duqeyn 31 bishii May ee sannadkan  uu Mareykanka ka geystay deegaan fog oo 81 km dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaas.

Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022.

Ujeedka bartilmaameedka ayaa ahaa hoggaamiyaha sare ee Daacish, Cabdulqaadir Muumin oo la sheegay inuu si aamusnaan ah xilka ula wareegay sannadkii hore, balse ma cadda sida ay saraakiisha Mareykanka sheegeen duqeyntaa inuu ku dhintay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.