Itoobiya oo war cusub ka soo saartay shidaalka Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa markii ugu horraysay ka hadlay soo saarista shidaalka Deegaanka Soomaalida. Abiy Axmed oo ka jawaabayay weydiimo ay u soo jeediyeen xubnaha golaha wakiillada shacabka ee Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay isticmaalka shidaalka ee suuqyada maxalliga ah.

“Itoobiya markeedii ugu horraysay waxa ay suuqyada keenaysaa shidaal ay leedahay. Maxaa naloogu sheegi waayay weydiinta odhanaysa jawaabteedu waa in aan dawlad nahay. Shaqo ayaan noo taalla ee hadal nooma yaallo. Markii wakhtigeedu yimaaddo ayay tahay in bulshada lala wadaago. Maaddaama uu cadow badan jiro waxa fiican in qarsoodi lagu dhammeeyo. Si cadowgu aanu hawlaha socda u kala dhantaalin waxa aan ka shaqaynnay sidii hawshan aan u dhammaystiri lahayn. Dhawaan, haddii aad arki jirteen aniga oo deegaanka Soomaalida aadaya, shaqadayda taas ka muhiimsani waxay ahayd midda shidaalka”, ayuu yiri Abiy Axmed.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan dawladda Itoobiya ay shaacisay inay si rasmi ah u laashay qorshe muddo dheer la isla soo qaaday oo ahaa in Gaaska Dabiiciga ah laga dhoofiyo Deegaanka Soomaalida iyadoo la sii marinayo Dhuumaha shidaalka qaada ee Jabuuti. Arrintan ayay sabab uga dhigtay caqabado maaliyadeed oo joogto ah iyo dib u dhac ku yimid hirgelinta qorshahaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.