AUSSOM oo war ka soo saaray diyaaradii ku dhacday garoonka Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay diyaar nooca qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda oo ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

“Arbacadii abbaare 7:30 subaxnimo, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo leeyihiin Militariga Uganda ee ka mida howlgalka Midowga Afrika ayaa si halhaleel ah degtay wax yar ka hor inta aysan soo gaarin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, xilli ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle”, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay howlgalka AUSSOM.

Illaa iyo Saddex qof oo ka mid ahaa siddeed rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyey, waxaana loo qaaday Isbitaalka Heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loogu fidiyo daryeel caafimaad.

Hawlgalka baadigoobka iyo badbaadinta ayaa wali socda si loo helo xubnaha kale eeshaqaalihii iyo rakaabkii hadhay.

Dhanka kale, maamulka duulista ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilkan sida lagu yirii warsaxaafadeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.