Kismaayo (Raxanreeb Online) Maamulka Jubaland ee hoggaamiye Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dastuurkiisa ka saaray ‘goboleed’ kuna soo koobay ‘dowlad’.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta arrintan kaga dhawaaqay manaasabad uu ka qaybgay oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka maamulkaaas.
“Anaga (baarlamaanka Jubaland) dowlad goboleedkii dastuurka waa ka saarnay, dowladda Jubaland ayaa ka dhignay” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Cabdi.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurkeedu qorayo dowlad, kaas oo la ansixiyay sanadkii 2009, waxaana meelaha qaar iska waafaqsanayn dastuurka dowladda federaalka iyo dastuurada dowlad goboleedyada.
Weli dowladda dhexe kama aysan hadlin go’aanka kasoo baxay Jubaland ee ku aadan in ay dowlad goboleed aysan aheyn oo dowlad tahay.

Leave a Reply