Khasaaro xooggan oo Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay Hiiraan

Hiiraan- Somalia ( Raxanreeb Online) Waxaa sii kordhaya tirade dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lee ooga dilay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaano ku yaalla xadka ay wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in Shabaabka weerarka soo qaaday jab xooggan lagu gaarsiiyay, isla markaana looga dilay  horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaana ka hortegay ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo kooxdu gaarsiiyay jab aad u weyn, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada lagu dagaalamay  oo laga dilay Khawaarijta, horayna labaatameyo ayaa looga dilay, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaareeb 50 meeyo meydadka Khawaarijta ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar.

Sikastaba, gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday guluf dagaal oo dib looga saarayo Al-shabaab deegaanada iyo degmooyinka ay  kaga sugan yihiin gobolladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.