Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa kulan is xog-waraysi ah la yeeshay Golaha Deegaanka Buuhoodle, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta bulshada, maamulka deegaanka, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa adeegyada bulshada. Kulankan is xog-waraysiga ah waxaa diiradda Lagu saaray: 1. Qiimeynta Waxqabadka Golaha Deegaanka: Madaxweynaha wuxuu xog ka helay waxqabadka golaha, caqabadaha jira, iyo guulaha la gaadhay 2. Horumarinta Adeegyada Bulshada: Waxaa la isla gartay in la xoojiyo adeegyada muhiimka ah, sida nadaafadda, biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo waddooyinka 3. Xalinta Caqabadaha Maamulka: Madaxweynaha iyo golaha deegaanka waxay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka maamul iyo farsamo ee ka jira deegaanka. 4. Xoojinta Iskaashiga: Waxaa la isku raacay in wada-shaqeynta u dhexeysa golaha deegaanka iyo dowladda dhexe la xoojiyo si loo gaadhi himilooyinka horumarineed. Qodobada Hortebinta leh ee kulanka Looga Hadlay waxaa ka mid ahaa. 1 In deg deg loo bilaabo canshuuraha Degmada Buuhoodle Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in degdeg loo hawl geliyo haayadahii dowladda hoose ee ku shaqada lahaa cashuuraha, Madaxweynaha ayaa golaha deegaanka Degmada Buuhoodle iyo wasaarada maaliyada ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan oo isla fadhiisiyaan qaabka canshuuraha iyo shatiyada 2. Maareynta Miisaaniyadda: Madaxweynaha ayaa ku booriyay golaha deegaanka in si hufan loo isticmaalo miisaaniyadda horumarineed ee deegaanka. Waxaa la isla gartay in la diyaariyo qorshe waqti-dheer oo lagu kobcinayo dakhliga deegaanka. 3. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Waxaa laga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa waddooyinka, goobaha caafimaadka, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
10:18
Leave a Reply