Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay nin walxaha qarxa sida

Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay nin walxaha qarxa sida

Muqdisho (Raxanreeb) — Hawgallo qorsheysan oo ay Ciidamada Ammaanka ee Muqdisho ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay xubno katirsan dagaallamayaasha Ururka Al-Shabaab, kaas oo dowladdu ku sheegtay in uu watay waxyaabaha qarxa.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidanka ammaanka Caasimadda ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ku soo qabtay Al-Shabaab, kaas oo watay Waxyaabaha Qarxa,” ayaa lagu yiri war lagu daabacay Warbaahinta Dowladda.

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay shakhsiga la soo qabtay in uu doonayay; “in uu ku weeraro Bar ay joogeen Ciidanka ammaanka,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda.

Amniga Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaagayay bilihii la soo dhaafay, iyada oo Amniga guud ee Caasimadda lagu wareejiyay Ciidan Booliis ah oo u tababaran sida Milateriga oo kale, kuwaas oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda.

Muqdisho ayaa sannado badan la daala dhaceysay amni darro dilal joogto ah, iyo qaraxyo aan loo meeyl dayin halkaasoo shacab badan dhibaato kasoo gaari jirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.