Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal goos goos ah oo la isku adeegsanyo hub kala duwan

Laascaanood (Raxanreeb) — Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa ka socda dagaal goos-goos ah oo rasaas is dhaafsanayaan Ciidamada Somaliland iyo Maamulka dhowaan looga dhawaaqay magaaladaas e loogu magac dagay SSC-Khaatumo.

Sida uu xaqiijiyay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo kamid ah golaha Hoggaanka SSC (Sool, Sanaag & Cayn) waxa uu dagaalka goos-gooska ah uu ka socda Jihada Bariga ee Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Somaliland ayaa dhanka Maamulka SSC-Khaatumo ku eedeysay in uu leeyahay mas’uuliyadda dagaalka ka socda Bariga Magaalada Laascaanood, halka maamulka SSC uu sheegay in dhinaca Somaliland uu weerarkaas ku qaaday.

Dhinacyada u dooda xuquuqda aadanaha, Bulshada Rayidka iyo Dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya waxa ay cambaareeyeen dagaallada dib usoo laabtay iyaga oo ka digay natiijada aanay wanaagsaneen ee ka dhalan karta.