Soomaaliya  oo sanadkan  ku – biiri kara  suuqa Bariga Afrika , haddii …..

Soomaaliya  oo sanadkan  ku – biiri kara  suuqa Bariga Afrika , haddii …..

Nairobi (Raxanreeb ) Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxaa ka bilowday wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Dhaqaalaha ee Bariga Afrika EAC oo ay Soomaaliya codsatay inay ka mid noqoto.

Saraakiil gobolka ah ayaa laga soo xigay inay sheegeen in Soomaaliya ku biiri karto EAC sannadankan, hase yeeshee waxaa ka horraysa in guddiga qiimaynaya ay warbixintooda u gudbiyaan madaxda toddobada waddan ee haatan ku jirta ururkaas.

Sida ay wafdiga Somalia sheegeen waxaa shirka fadhiya dhamaanba todoabada waddan ee xubnaha ka ah ururka iyo wafdiga Soomaalida oo ah mid aad u ballaaran.

Shirka madaxda dalalka Afrikada Bari ee soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu ogolado xubinnimada Soomaaliya, ayadoo shirkan uu yahay kii farsamo ee ugu dambeeyey. Shirka madaxda ayaa la filayaa inuu dhaco bisha Nofembar.

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Ganacsiga iyo dadka waddamadaas ayaa si xor isaga kala goosha dalalka ururka ku bahoobay.

Ururkan ayaa waxaa hadda xubno ka ah dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Suudaanta Koofureed, Congo DR, Rwanda iyo Burundi. Haddii la ogolaado xubinnimada Soomaaliya waxaa toos isugu xirmaya badweynta Hindiya iyo Badda cas ilaa iyo badweynta Atlantigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.