Laba ilmo oo umusha ku jiray ayaa la helay kadib markii ay 3 maalmood ka hor daadad qaadeen

Laba ilmo oo umusha ku jiray ayaa la helay kadib markii ay 3 maalmood ka hor daadad qaadeen

Congo (Raxanreeb) — Dadka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee koongo ayaa ‘mucjiso’ la kulmay ka dib markii ay biyaha harada Kivu ka dhex heleen laba ilmo oo dul heehaabaya, maalmo ka dib markii in ka badan 400 oo qof ay halkaas daadad ku dileen.

“Waa mucjiso, waan wada fajacnay,” ayuu BBC u sheegay hogaanka dadka deegaanka, Delphin Birimbi.

Labada ilmo ayaa la xaqiijiyey in ay waalidkood dhinteen balse bulshada deegaanka ayaa ku hawlan sidii ay ugu wareejin lahaayeen dad koriye caruurtan, ayuu kusii daray Birimbi.

Ma cadda sida ay labada ilmo ugu dhex noolaayeen biyaha harada muddo saddex maalmood ah, balse dadku waxay sheegayaan in ay dul saarnaayeen qaaqo biyaha dul heehaabeysay.

Labada ilmo ayaa isniintii la helay – mid waxaa laga helay tuulada Bushushu halka kan kale laga helay Nyamukubi, oo ah labada tuulo ee ay daadadku sida ugu daran u saameeyaan, ayuu yiri Birimbi.

Musiibada ayaa xaalad ilxumo ah ka abuurtay tuulooyinka halkaas oo meydadka la isku dul rasteeyay iyaga oo busteyaal lagu duubay, waxaana jira walaac laga qabo urka kasoo baxaya meydadka qudhmaya, sida ay ka digtay hay’adda laanqeyrta cas ee koonkgo.