Paris (Raxanreeb) — Ugu yaraan labo sarkaal oo booliska Faransiiska ayaa la dilay saddax kalena way dhaacameen kaddib markii la weeraray gaari kuwa maxaabisita lagu qaado.
Gaariga waxaa saarnaa maxabuus laga soo qaaday makamadda oo loo waday xabsiga markii uu weerarka dhacayay.
Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa maxbuuska baxsaday ku sheegay magaciisa Maxamed Amra oo 1994-tii dhashay kaas oo loo haystay falal burcadnimo iyo afduub horseeday geeri.
Weerarka ayaa dhacay aakay 11-kii subaxnimo waqtiga Faransiiska waxaana ka qeybqaatay baadi goobka maxbuuska baxsaday boqolaal sarkaal oo boolis ah.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in la sameeyo wax kasta oo lagu soo qaban karo.
Wasiirka cadaalada Eric Dupond-Moretti ayaa sheegay inuu ku biiri doono qaybta xasaradaha si wax looga qabto xaalada degdega ah. “Dhammaan siyaabaha ayaa loo isticmaalayaa in lagu helo dambiilayaashan. Awaamiirteyda, dhowr boqol oo askari oo bilays ah iyo gendarmes ayaa la abaabulay,” wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa ku daabay barta X.
“Weerarkii saaka, oo galaaftay nolosha wakiillada maamulka xabsiga, waa naxdin dhammaanteen,” Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhajiyay X. “Qaranku wuxuu garab taagan yahay qoysaska, kuwa dhaawacmay iyo asxaabtooda.”